Kooxda Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay 30 milyan ginni ku qaadato  xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Andre Gomes oo sanad amaah ah ku qaadanaya Everton.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa si joogta ah ugu ciyaarayay kooxda Toffees lixdii bilood ee lasoo dhaafay, isagoo ciyaaraya 27 kulan tan iyo markii uu amaah ugu soo dhaqaaqay Barcelona.

Kadib bandhigii cajiibka ahaa oo uu ka sameeyay kooxda Everton ayaa suuragalisay in uu durba dalabyo ka helo kooxo dhowr ah oo yurub ka dhigay.

Wageyska The Sun ayaa ku waramaya in Tottenham ay isha ku heyso xaalada xidiga amaahda ugu ciyaaro kooxda Everton balse asal ahaan ay iska leedahay kooxda Barcelona Waxeyna spors-ka ku doonayaan adeega laacibkan aduun dhan 30m.