Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in safaaradda looga dhigay Safiirka aysan heysan miisaaniyad ku filan oo ay ku shaqeyso.

Tarsan oo Wareysi siiyay TV-ga Universal ayaa sheegay in weydiimaha ku saabsan xiriirka Safaaradda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay in la weydiiyo Wasaaradda.

Waxaa kale oo uu sheegay in lacagta ka soo xaroon jirtay Baasaboorka Soomaaliya ee laga bixiyo Nairobi ay safaaradda ku shaqeyn jirtay isagiina hadda hakad ku jiro.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in inta uu xafiiska joogo uu dalal badan oo u badan Yurub iyo Mareykanka ka codsaday in ay aqoonsadaan Baasaboorka Soomaaliya.

Danjire Tarsan ayaa sheegay in safaaradda Mareykanka ee Nairobi dadka u socda Soomaaliya ay fiisaha u saarto Warqad balse aysan u saarin Baasaboorka Soomaaliya taas oo micnaheedu tahay in dowladda Mareykanka aysan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Maxamuud Axmed Nuur Tarsan sheegay in isaga ay casuumaan danjirayaasha Caalamka u jooga Nairobi laakiin isaga uusan casuumi karin miisaaniyadda oo ku yar darteed.