Gaashaanlle sare Caydiid Axmed Nuur.

Taliyihii Ciidamada Bariga Gobolka Sanaad ee Maamulka Somaliland ayaa isku dhiibay dhinaca Maamulka Puntland.

Caydiid Axmed Nuur, oo ah Gaashaanlle sare ayaa isu dhiibaya Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sanaag qeybta ay Puntland maamusho.

Taliyaha iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa tagay Magaalada Qardho oo ka tirsan Gobolka Bari,hayeeshee hadda ka mid ah Gobol ay Puntland u bixisay Karkaar.

Soo dhaweynta Taliyaha iyo Ciidanka uu wato waxaa qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Magaalada Qardho waxaa ku sugan Sarkaal lagu magacaabo Korneyl Caarre oo ka goostay Ciidanka Somaliland kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.

Korneylka ka goostay Somaliland ayaa horay u ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland,waxaana uu Somaliland ku biiray Sanadkii 2006dii markaas oo ay is qabteen Madaxweynihii xilligaas ee Puntland Cadde Muuse Xirsi.