Taliyeyaasha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalbaday taageero dheeraad ah oo ku aadan dhanka qalabka iyo maaliyadda si ay u dardar geliyaan shaqooyinka ay ka waddaan Soomaaliya, islamarkaana ay u fududeeyaan qorshaha ka bixitaanka AMISOM.

Taliyeyaasha Booliska AMISOM ayaa Midowga Afrika ka codsaday in ay helaan qalab dheeri oo ay ku tababaraan ciidanka booliska Soomaaliyeed si ay ugu wareejiyaan ammaanka Soomaaliya marka uu xilligooda dhamaado.

War ka soo baxay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidanka booliska AMISOM ay xoojin doonaan qorshahooda ka bixitaanka Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa in la dardar geliyo hirgelinta hawlihii loo xilsaaray AMISOM, waxaana ay taasi  u baahan tahay ilo dhaqaalle iyo qalab lagama maarmaan u ah si loo xaqiijiyo kala-guurka waqtigii ku habboonaa iyo guusha”. ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay AMISOM.

Dhammaan taliyeyaasha ciidanka joogga Soomaaliya ee dalalka  Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia ayaa qiray in ay muhiim tahay in la xoojiyo tababaradda Ciidanka dowladda, hadii kale aysan suurtagal aheyn in AMISOM ka baxdo Soomaaliya.