Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay dhimashada Taliye ku xigeenkii Booliska AMISOM Christine Alalo, taas oo ka mid ahayd Rakaabkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur burtay Dalka Itoobiya.

Taliska Booliska Uganda ayaa xalay fiidkii hore beeniyay markii arrintaas lagu baahiyay baraha bulshada hayeeshee mar dambe ayey booliska xaqiijiyeen in Christine Alalo ay ahayd qofka kaliya ee u dhashay Uganda kuna dhintay shilkaas.

Christine Alalo, ayaa waxa aay ahayd Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Uganda Fred Enanga, ayaa xalay beeniyay geerida Gabadhaas laakiin waxaa uu xaqiijiyay Isniinta maanta ah.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ee bur burtay waxaa ku geeriyooday 7 Qof oo Soomaali ha sidoo kalena heysta dhalashada waddamo kale.