Bashiir Cabdi Maxamed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar ugu soo xiro Ciidan Boolis ah oo tababar ku dhameystay Gobolka Gedo.

saraakiisha ku wehlisa safarka taliyaha ee Garbahaarreey.

Taliyaha iyo Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo uu horkacayay ayaa shalay gaaray Magaalada Garbahaarreey ee Gobolka Gedo,halkaas oo ay xalay ku hoydeen.

Askarta tababarka dhameysatay oo foom laga buuxinayo.

Maanta ayaa lagu wadaa in ku dhawaad 400 oo  Askari oo Boolis ah uu tababar ugu soo xiro Garbahaarreey halka kuwo kalena uu tababar u furayo.

Ciidamada Booliska ah ee tababarka loogu soo xirayo Gobolka Gedo aya hoostaga dowladda Federaalka ah,waxaana xusid mudan in maamulka Gobolka Gedo uu ku kala qeybsanyahay ka mid ahaanshaha Maamulka Jubaland.

Booliska cusub oo meel banaan ah fadhiya.

Saraakiisha dowladda Federaalka ah ee Milatariga Soomaaliya ee qeybta 43aad ayaa ka howlgala Gobolka Gedo markii dhinaca Kismaayo uu u diiday Maamulka Jubaland.