Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari Xuseenn Cali Maxamed ayaa ka badbaaday weerar Miino ahaa oo lagula beegsaday gudaha Magaalada Boosaaso.

Kolonyo uu la socday Taliye Xuseen ayaa waxaa mid ka mid ah Gaadiidkii ay wateen Haleelay qarax Miino iyada oo halkaas ay ku dhaawacmeen 7 ka mid ah Ciidankii la socday.

Qaraxa kaddib ayey Ciidamada Booliska ah fureen Rasaas ay dadka Boosaaso moodayeen in ay tahay dagaal gudaha Magaalada ka socda.

Qaar ka kid ah saraakiisha Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta in sidoo kale labo qarax oo iyana Miino ahaa la fashiliyay kuwaas oo la dhigay gudaha Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso waxaa ka socda howlgal billowday Bishii February ee la soo dhaafay kaddib dilkii madaxii DPWorld ee Magaalada Boosaaso.