Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay Saraakiil Sar Sare oo katirsan Ciidanka Xoogga dalka iyoa skar ilaalo u eheyd.

Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu aaso, ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana jugta qaraxa laga maqlay deegaano ka fog halka uu weerarka ka dhacay.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in qaraxa uu qabsaday gaari ay saarnaayeen laba Sarkaal oo xoogga dalka ah, kuwaasoo isla goobta ku geeiryooday.

Saraakiil katirsan Milatariga Somaliya, ayaa inoo sheegay in dadka qaraxa lagu dilay uu ku jiro Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka janaraal Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere), Sidoo kale waxaa qaraxa ku geeiryooday Abaanduulkii 12-ka April Cabdi Cali Jamaame.

Meydka labadan Sarkaal, ayaa la keenay magaalada Muqdihso, halkaasoo maalinimada berri ah aas loogu sameynayo.

Sidoo kale, waxaa qaraxa oo ahaa mid xoogan ku geeiryooday Todobo kamid ah ilaalada Saraakiisha geeriyootay, iyadoo ay jiraan askar dhaawcayo soo gaartay.

Labadan Sarkaal, ayaa mudooinkan ku mashquulsanaa isku duba ridka Ciidamada ka howlgala Sh.Hoose, si ay u qaadaan duulaan saf balaaran leh oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxeyna Ciidamo dheerada ah malamahan ku daabulayeen magaalada Marko oo ah meesha ay maanta ka soo ambabaxeen.

Shabaab oo sheegtay Masuuliyada Weerarka, waxey sheegteen iney dileen Saraakiil muhiim u ah Dowladda iyo ku dhowaad 8 ilaalo u eheyd.