Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada Hiliwaa ay kusoo qabteen nin katirsan Al-Shabaab.

Ninka la qabtay ayay NISA Sheegeen in uu katirsanaa Almniyaadka Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraal lasoo dhigay Barta Twitter-ka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ayaa lagu sheegay in aan jirin cid waxyeelo ku noqotay inta Howlgalka uu socday.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadane uu ku jiro gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir.

Waxa ayna Howlgalka kadib sheegaan in ay gacanta kusoo dhigaan Xubno katirsan Al-Shabaab, inkastoo aysan sheegin Magacyada dadka ay soo qabtaan.