Golaha Milatariga dalka Suudaan ee maamulaya dalkaas ayaa waxaa uu sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis saraakiil kala duwan.

Afhayeen u hadlay Golaha Milatariga ee dalka Suudaan ayaa sheegay in la eryay Wasiirkii difaaca Cawad ibnu Cawf oo Jimcihii iska casilay Madax golaha Milatariga,waxaa kale oo la eryay safiirrada Suudan ee Mareykanka iyo Switzerland.

Jeneraal Abuubakar Mustafa ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Sirdoonka Suudaan,waxaana uu beddelay Saalax Cabdalla Maxamed oo ku magac dheeraa Saalax Goosh.

Madaxa Golaha Milatariga C/Fitaax C/Raxmaan Burhaan ayaa Jimchii markii uu xilka qabtay ballanqaaday in uu xididdada u siibayo xubnihii dowladdii hore.

Waxaa uu la kulmay ergo 10 qof ah oo ay iska soo dhex bixiyeen Banaanbaxayaasha waxaana ay isku afgarteen in la sameeyo dowlad ay ku jiraan Dadka Rayidka ah, Mucaaridka iyo Banaanbaxayaasha dad ka socda, in la sii daayo dhamaan banaanbaxayaasha ku jira Xabsiyada dowladda lana eryo saraakiishii Booliska ee banaanbaxayaasha kula dagaallamay waddooyinka Khartuum.

Dowladdaas waxaa ay qaban doontaa shaqooyinka maalinlaha ah halka ay Milatariga dalka maamulayaan muddo labo Sano ah oo ay dowlad rayid ah xilka ku wareejinayaan.