Jamaal Khashoggi.

Boqorka Dalka Sucuudiga  ayaa la xaqiijiyay in uu saxiixay Guryo iyo lacago la siiyay Carruurtii uu ka tagay Wariyihii u dhashay Sucuudiga ee Bishii Octobr lagu dilay Turkiga.

Boqor Salaam ayaa afarta Carruurta ah ee uu ka tagay Jamaal Khashoggi waxaa uu guryo ka siiyay Magaalada Jidda ee Galbeedka Sucuudiga.

Waxaa uu sidoo kale saxiixay wareegto qofkasta oo ka mid ah Carruurtaas uu Bishiiba ku qaadanayo lacag dhan $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah.

Carruurta Jamaal ayaa ka kooban labo wiil iyo labo Gabdhood,waxaana xubno ka mid ah qoyska Wariye Jamaal oo si hoose ula hadlay Washington Post ay sheegeen in guryaha iyo lacagaha joogtada ah ay la socoto amar ah in ay ka aamusaan kiiska aabbahood oo aysan ilaa hadda ka hadlin.

Jamaal Khashoggi ayaa 2dii October lagu dilay Qunsuliyadda uu Sucuudiga ku leeyahay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,waxaana eedo badan lagu sheegay in dilkaasi uu ka dambeeyay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Meydka Jamaal ayaan ilaa hadda la arag,waxaana sirdoonka Turkiga ay sheegeen in meydkiisa la jar jaray kaddibna lagu gubay kiimiko budo ka dhigta jirka Bani’adamka.