Dalka New Zealand oo uu ka dhacay weerar uu geystay nin hubeysan ayaa wararka ka imaanaya dalkaasi waxa ay sheegayaan in ay ku jireen Dad Soomaali ah.

Guud ahaan Dhimashada waa 49-qof, halka dhaawaca uu intaa ka badan yahay, 3-qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay Geeridooda iyo dhaawaca ruux kale.

Booliiska ayaa xiray Masaajidda, waxa ay qaadeen dadkii dhaawacmay iyo kuwa dhintay si ay baaris ugu sameeyaan sida laga soo xigtay Mike Bush Taliyaha Booliiska New Zealand.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Magaalada Christchurch, Ninka fuliyey ayaa si toos oo muuqaal ah ugu tabiyey Facebook, isaga oo dhaliilaya dadka soogalootiga ah oo uu ugu yeeray “duullaan.”.

Jamaacadii Labada Masjid ku sugneed xiligii weerarka ayaa dhulka daadsanaa iyaga oo isugu jiro kuwo dhintay iyo kuwa dhaawacmay, inkasta oo ay jiraan dad kooban oo baxsaday.

Axmed Almaxmuud waxa uu kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka, waxa uu sheegay in ninka weerarka geystay uu xirnaa dharka ciidanka, isla markaana uu watay qori, markii uu rasaasta bilaabayna qof waliba uu isku dayay in cararo, inkasta oo uu toogtay dadkii ku sugnaa masjidka.

Haweeneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah New Zealand, Jacinda Ardern ayaa ayaa dhacdadaan ku tilmaamtay maalintii ugu madoobayd ee soo marta taariikhda dalkaas.

“Ma jirto wax ka yar argagixiso oo aan ku tilmaami karo waxa dhacay” ayay tiri haweenaydan oo tacsiyo u dirtay dhammaan ehalada dadkii ku waxyeeloobay. Ayay sii raacisay.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern

Waxaa jira falcelin ay ka sameeyeen qaar kamid ah Madaxda Dalal kala duwan waxaana kamid ah:

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Edogan ayaa sheegay “in weerarkan uu yahay tusaalihii u dambeeyay ee cunsurinimada iyo Islaam nacaybka”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Edogan

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Malaysia ayaa lagu yiri “Waa weerar macno la’aanta ah oo argagixisadu ku qaaday dad aan waxba galabsan oo shacabka ah, waxaana rajeyneynaa in sharciga la hor geyn doono dadkii ka dambeeyay falkaas foosha xun.

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Malaysia.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Fiji Frank Bainimarama ayaa yiri “Qalbiga ayaa jaban dadka reer Fiji, waxaana la murugoonaynaa dadka aan walaalaha nahay ee reer New Zealand, Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dadka dhintay uu ka mid yahay hal ruux oo u dhashay Fiji ama laga yaabo in ay intaas ka sii bataan.

Frank Bainimarama Ra’iisul Wasaaraha Fiji

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa Bartiisa Twitterka ku sheegay in dadkiisu ay garab taagan yihiin dhammaan dadka reer New Zealand ee ku jira waqtiga madow ee nacaybka iyo rabshadahu ay ka xadeen nabadda.

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison

Wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegtay in ay aad u cambaaraynayso weerarka, iyada oo ay dadku ku jiraan masaajid ay ku tukanayeen in dil wadareed loo geysto.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Haweeneyda lagu magacaabo Theresa May ayaa cambaaraysay weerarkan oo ay sheegtay in uu yahay mid xannuun badan ku beeray dadka reer New Zealand.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May

Ninka Asalkiisu yahay Pakistan ee heysta Dhalashada UK ee Sadiiq Khan Duqa London ayaa isna sheegay in Ciidamo badan la dhigayo Masaajidda ku yaalla Magaalada London inta lagu gudo jiro Salaadda Jimcaha oo ah Maalinta ay kulmaan inta badan Dadka Muslimiinta ah.

Sadiiq Khan Duqa Magaalada London

Ciidamadaas ayuu sheegay in ay kahor tagayaan suurta galnimada in ay dhacaan weeraro lamid ah kuwa lagu qaaday Labo Masjid oo ku yaalla New Zealand.