Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan madaxeeda Midowga Afrika ee ka dhacay Adis ababa ka codsatay in laga cafiyo deyn gaareysa $4.6Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya,Hay’daha aan dowliga ahayn iyo daneeyayaal kale oo caalami ah ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Midowga Afrika iyaga oo weydiinayay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

“Soomaaliya waxaa ay u baahantahay wada shaqeyn, deyn cafinta waxaa ay kaalin weyn ka qaadaneysaa qorshaha horumarinta qarankeenna” ayuu yiiri Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isaguna sheegay in deyn cafinta Soomaaliya ay qeyb ka tahay qorshaha xalka waara ee lagu hagaajinayo nolosha barakacayaasha gudaha.

Si deymaha looga cafiyo Soomaaliya waxaa ay u baahantahay in ay marka hore waafaqdo hanaanka maaliyadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo dabagal ku sameysa hab maamulka Maaliyadda.