Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in guud ahaa caalamka uu hoos u dhacay xukunka dilka toogashada ah marka oo loo eego sanadkii hore ee 2017kii.

Warbixinta Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dalalka China, Iraan iyo Sucuudiga ay hoggaaminayaan kuwa fuliya kiisaska dilalka ah laakiin laftooda ay hoos u dhigeen xukunnada dilka ah.

Guud ahaan Caalamka sanadkoii 2017 waxaa xukun dil ah lagu fuliyay 993 qof, halka sanadkii la soo dhaafay ee 2018 dil lagu fuliyay 690 qof, taas oo ka dhigay in xukunnada dilka ah ee la fuliyo ay hoos u dhaceen 31%.

Amnesty waxaa ay sheegtay in dalalka qaar ay sare u kaceen kiisaska fulinta dilka waxaana dalalkaas ka mid ah; Belarus, Japan, Singapore, South Sudan iyo Mareykanka.

Dilalka ay fuliso dowladda China ayaa hoos u dhacay 50%,waxaana soo raaca oo sidaas oo kale dilalka la fuliyo uu hoos u dhacay dalalka kala ah; Iraq, Pakistan  iyo Somalia