Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hawada dalka ka mamnuucday noocyo ka mid ah diyaaradaha uu farsameeyay midowgii Soviet-ka ee wali ka shaqeeya Caalamka.

Warqad ka soo baxday Hay’adda maamulka Hawada Soomaaliya ayaa sharikadaha diyaaradahaasi adeegsada loogu qabtay 28ka bishii la soo dhaafay, hayeeshee waxaa loogu daray 15 maalmood oo ku eg 15ka Bishan March oo ku aaddan Jimcaha soo socda.

Sharikadaha adeegsada  diyaaradaha noocoodu kala yahay; AN-24, AN-26, AN-32  iyo  AN-12, ayaa laga mamnuucay hawada Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan.

Maareeye ku xigeenka Hay’adda SCAA, Jaamac Axhmed Musue, ayaa sheegay in uusan jirin shil ay waqtiyadan dhow galeen diyaaradahaas hayeeshee ay ku dhowyihiin duugoobid sidaas darteedna aysan ka shaqeyn Karin hawada Soomaaliya.

Warqadda shaqada looga joojiyay sharikadahan ee ka soo baxday Hay’adda SCAA, ayaa lagu sheegay in diyaaradaha sharikadda Antonov aysan bariga afrika ku lahayn goob lagu dayactiro, sidoo kalena aysan la shaqeyn Karin nidaamka haga diyaaradaha ee xilligan.

Inta badan diyaaradahan waxaa adeegsada Hay’adaha gargaarka iyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Jaama Muuse ayaa sheegay in tiro yar oo diyaaradahaas ah uu saameyn doono go’aankan oo aan ka laabasho lahayn.

Jaamac ayaa intaas ku daray in nooc ka mid ah diyaaradahaas oo nooceedu yahay AN-12, mar hore isaga baxday Soomaaliya kuna laabatay dalka Ukraine oo ay ka diiwaangashantahay.

250 , diyaaradood ayaa la sheegay in ay maalinle uga  duulaan Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,waxaana tirada dadka Garoonkan ka dhoofa ay gaareen nus malyuun qof sanadkii 2017kii.