Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Somaliland Xasan Maxamed Cali ¬†ayaa sheegay in ay go’aan ka qaateen Maraakiibta ka kalluumeysta xeebaha Maamulkaasi.

Sababta waxa uu ku sheegay in aysan dhaqaale fiican ka qaadi jirin, balse ay ka jilaaban jireen Kalluun ku fadhiga qiimo ahaan Malaayiin Doolar.

Sidaas awgeed aan isku dhigmin lacagta halka jeer laga qaado oo aad u yar, iyo tan ay kasii macaashayaan Kalluunka ay qabsadaan.

Illaa Toban Kun oo Doolar ($10,000) ayuu tilmaamay in hal jeer laga qaadi jiray Maraakiibtaan, isla markaana aan laga hubin jirin Kalluunka ay qabsadaan.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Somaliland Xasan Maxamed Cali, waxa uuna sheegay in ay jiraan Cabasho ugu timid Kalluumeysatada Somaliland oo ah in Kalluunka uu ka guuray Xeebaha, shidaan badane ay ku bixiyaan soo jillaabashadiisa.

Wasiirka ayaa qalabka Maraakiibta shisheeye ee ay ruqsadaha u siiyeen Kalluumeysiga Xeebaha Somaliland ku tilmaamay kuwo jajabinaya Ukumaha iyo goobaha uu galo Kalluunka.

Maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale inkasta oo uusan helin aqoonsi, waxa uu heshiisyo dhowr ah la galay shirkado iyo hay’ado kala duwan, waana tan keentay in lagu dhaliilo ka fiirsi la’aanta kahor inta aysan Saxiixin Heshiisyada.