Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay Booyaddo biyo wada ay u dirayso Goboladda bari ee Somaliland oo ay Abaarta iyo biyo la’aantu Ka Jirto.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdirxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku wareejiyay Hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka booyado xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay goboladda ay abaartu ka jirto in biyo loogu dhaamiyo.

Image may contain: sky and outdoor
Gawaarida biyaha qaada ee Xukumada Somaliland ku wereejisay Gudiga abaaraha u xilsaaran.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo kamida goboladda bariga Somaliland, waxaanu amar ku biyay in dhakhso biyo loola gaadho dadkaasi ay abaartu saamaysay.

Image may contain: 8 people, people standing
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Gudiga abaaraha Somaliland.

Goboladda bari ee Somaliland dadka ku nool ayaa mudooyinkaan cabanay abaaro iyo biyo la’aan saamay ku yeelatay nolasha dadka reer miya ah iyo xoolahood