Macalinka kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay arinta Messi ka hor kulanka adag oo ay cwa ku ciyaari donaan garoonka United-ka ee Old Trafford isagoona tilmaamay in Messi uu yahay xidig la celinkaro.

Lio Messi iyo kooxdiisa Barcelona ayaa cwa 8-sano kadib ku ciyaari doono garoonka Man United ee Old Trafford kulan ka tirsan wareega 8-da tartanka Champions League-ga.

Tababaraha United-ka oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka ayuu aad uga hadlay xaalada messi iyo sida ay cwa ku celin doonaan wuxuuna Yiri”

“Waxaan cwa garoonkeena kula ciyaareenaa kooxda faca weyn ee Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub waxana u ciyaara xidiga cajjib ah oo uu ka mid yahay Lio Messi, Lio shaki la’aan waa xidiga ugu fiican aduunka xiligaan lkn ma’ahan lama joojiye oo waa la joojinkaraa waliba si farsameysan inaga cwa waxaan ku dadaaleynaa sidii aan ku hakin laheyn kubada halista badan oo uu abuuro Messi iyo kuwa oo isaga dhaliyo waana iska caabindoonna” ayuu yiri Maamulaha Man United Solskjaer oo ka hadlayay xaalada messi iyo sida ay cwa ugu hortagayaan.

W/Q: Maxamed Ahmed Liyo.