Sidoorka Dalka Nigeria ayaa xabsiga dhigay Haweeney lagu magacaabo Amina Maxamed oo ah Haweeney ka been abuurtay in ay tahay marwada 1aad ee dalka Nigeria.

Afhayeen u hadlay Sirdoonka Nigeria ee DSS, ayaa sheegay in Amina ay falkan u sameysay si ay awood ugu yeelato dano Ganacsi oo ay ka lahayd Madaxtooyada Abuja.

Intii ay wadday howshan ayey kulan ku qabatay Madaxtooyada iyada oo casuuntay tiro dad ah,kuwaas oo rumeystay in ay iyada tahay xaaska Madaxweyne Maxamed Buxaari.

Kulanka ay ku qabatay madaxtooyada ayaa dhacay xilli ay dalka dibaddiisa ku maqneyd Caasha Buxaari oo ah xaaska runta ah ee Madaxweynaha.

Amina ayaa markii la soo xiray Warbaahinta ka hor sheegtay in ay been ahayd waxa ay sheegan jirtay.

Alexander Chika Okafor, oo ka mid ah maalqabeennada Nigeria ayaa ka mid ahaa dadka ay casuuntay,waxaa kala dhaxeeya muran ku saabsan hanti lacagteedu gaareyso $414,000 oo doollar,waxaana uu sheegay in Haweeneydan ay ku qiyaantay heshiiska ay hantidiisa kula wareegtay.