Guutaale, Sidee loo qoraa qodob-wareed?

Qoraalka qodob-wareed waa kaduwan yahay dhigidda dhammaan maqaalada kale ama xirmooyinka xogaha xambaarsan, sababtu waa in qodob-wareedku uu u soo badhigayo ama soo gudbinayo xogta hab ama qaab gaar ah.

Waa muhiim iyo lagama maarmaan in qoraaga qodob-wareedyadu leeyahay awood iyo garaad uu isugu keeni karo dhammaan macluumaadka xiriirka laleh qodob-wareedkaas isaga oo isticmaalaya tiro kooban ama xaddidan oo ah ereyo fudud (limited word count), islamrkaana dhegeystayaasha uu beegsanayo si sahlan ugu gudbinaya macluumaadka.

Barashada iyo lahaanshaha waaya-aragnimo kusaabsan sida loo dhigo ama loo qoro qodob-wareed waxa ay si fiican u caawin kartaa shaqada iyo howlgalka warbaahinta, sidaas awgeed haddii aad dooneyso in aad noqoto qoraaga qodob-wareedyada waa in aad hormariso xirfaddaada qoraalka, taasina waxa ay kugu caawin kartaa in aad xogta qodob-wareedyada isugu dubba-riddo hab kooban oo sahlan.

Tallaabooyinka loo maro diyaarinta qodob-wareedka

  1. Baaritaan: Si aad u qorto Qodob-wareed (news article) waxa aad u baahan tahay in aad u dhabba-gasho mowduuca qodob-wareedku kusaabsan yahay
  2. Xog-helid dhammeystiran: Baaritaanka waxa xiga in aad xogta oo dhan hesho
  3. Sameynta ama naqshadeynta xogta: Kala hormarinta iyo dejinta qorshaha qodob-wareedku aad ayay muhiim kuugu tahay
  4. Aqoonsiga dhegeystayaasha qodob-wareedka Haddii aadan aqoon dhegeystayaashaada waa kugu adkaan doontaa in aad qodob-wareed qorto, sidaas awgeed aqoonsi dhegeystayaasha aad ugu talageleysa in ay dhexeystaan, daawadaan ama aqristaan qodob-wareedkaaga.
  5. Xagasha (angle) Meesha aad ka billaabeyso qoraalka qodob-wareedku waa muhiim, waana halka gaarta go’aanka ah in dhegeystuhu kula socdo ama kaa haro ama iska daayaba in uu dhegeysto, daawado ama aqriyo qodob-wareedkaaga
  6. Wareysi xiriir laleh qodob-wareedka soo hel: La kulanka iyo wareysiga Dadka dhabka ah ee kulug leh sheekada uu qodob-wareedku ku saabsan yahay waa hawada uu qaato qodob-wareedku, haddii aadan helin ama meel soke aad ka soo noqoto waa in aad ogaato in aanay jirin dhegeystayaal u diyaarsan in ay dhegeystaan, aqristaan ama daawadaan xog aad adiguba ka wehsatay in aad soo hesho oo gaarto dadka dhabta ah ee nuxurka u yeeli kara qodob-wareedka.

Ma kaheshay maqaalkan?

La wadaag saaxiibadaada xirfadda warbaahinta kujira

WQ: Axmed Guutaale

Mustaqbal Radio