Maagalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa maanta ku kulmay madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo taliyayaasha hay’daha amaanka Maamulkaas.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa la kulmay taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada amaanka Puntland,waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada amni xumada degaannada Puntland.

Deni oo shalay loo doortay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa  uu shalay gelinkii dambe la kulmay wafdi ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu saraakiisha amaanka ee Puntland ka dalbaday in ay wax ka qabtaan amaanka degaannada Puntland oo sanadihii la soo dhaafay ay ku xoogeysteen Daacish iyo Al-shabaab.

Deni ayaa hudbaddiisii 7dii Bishan ku sheegay in amaanka iyo xasilloonida ay safka hore uga jirto qorshaha ugu horreeya marka la doorto.