Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheega in maanta shirkadaha isgaarsiinta ay hawada ka maqanyihiin.

La oga sababta ka dambeysa in hawada laga saaro shirkada isgaarsiinta Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimada Maamulka Galmudug, maadaama aan qadka Taleefonka lagu heli karin dadka ku sugan Dhuusamareeb.

Dad ku sugan Dhuusamareeb oo aan ku helnay Aalada Internaka ayaa noo sheegey in aysan garanayn sababta hadawada looga saaray shirkadaha Isgaarsiinta Magaalada balse ay saakay ay rasaas ka maqleen Saldhiga Booliska Dhuusamareeb.

Waxa ay noo sheegeen in dhibaato ku qabaan lacagta Taleefonada ku jirta oo aysa wax ku gadi karin,maadaama aysa shaqeynayn,waxa ay intaasi ku dareen in dhamaan deegaanada Galmudug laga isticmaalin lacagta shilinka Soomaaliga oo mar hore ugu dambeysay.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Guriceel iyo Caabudwaaq iyanna ayaan ka jirin Isgaarsiinta, lama ogo sababta keentay in Marqura Hawada laga saaro Isgaarsiinta Magaalooyinkaan.

Wixii ka soo kordha kala soco Mustaqbal Radio