Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta ka furmay shirka looga hadlayo Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya.

Shirkaan oo ay Marti galisay wasaarada Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboledka Galmudug ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimayasha Wasaradaha Dowlad Goboledyada Dalka iyo Agaasimaha Guud Wasarada Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo malin ka hor gaaray Dhuusamareeb.

Image may contain: 4 people, including Cabdi Qadar Juun Barre, people sitting and hat
Madaxa Xukumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir

Shairka waxaa furay Madaxa Xukumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku bogaadiyay Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada in ay shirkooda ka soo saaraan Qodobo wax ku ool ah.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Masuuliyiinta Shirka ka qeyb galay

Shirkaan ayaa socondoona Labo Cisho sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo Macdan Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Soomaaliya Cabdiwaxid Ibraahim Axmed

Image may contain: 2 people, people standing
Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta.