Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shir guddoominayay shirka golaha Wasiirada oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan shirkaan ayaa looga hadlaa horumarinta deegaanada Jubbaland iyo xoojinta nabad galyada deegaanada Jubbooinka oo ay dhawaan howlgalo ka bilaabeey Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

L’image contient peut-être : 2 personnes, personnes assises
wasiirada shirka ka qeyb galay

Ajandayaasha ay wasiiradu uga hadleen kulankooda waxaa kamid ahaa xoojinta ammaanka deegaanada xorta ah iyo howl-gallada ka bilowdayn deegaanada Jubbaland oo lagu doonayo in lagula wareego dagmooyinka Al-Shabaab maamulaan.

Intii uu socday shirka waxaa waxqabadkooda laga dhagaystey qaar kamida Wasaaradaha dowlad goboleedka Jubbaland sida Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta iyo Wasaaradda Arimaha gudaha Jubbaland.

Kulanka oo uu shir gudoominaayey Madaxweyna Jubbaland Axmed Madoobe ayaa intiisa badan looga hadlay How-gallada ka socda Jubbaland iyo sidii loo siiwadi lahaa.