Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa sooxiray maanta shirka dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka oo muudo saddex maalmood ah kasocday muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Wasiirada Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta frika, Khubaro Ingineero soomaaliyeed & Midowga Yurub.

Shirka Maanta la soo gaban gabeeyay.

Mudadii uu shirku socday waxaa doodo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaagsan uguna dhakhsaha badan ee lagu horgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Hormarinta Qaranka ee Muqdisho la soo gaban gabeeyay.

Ilaa afar waddo oo waawayn iskuna xira gobolada dalka ayaa la dhisi doonaa waxaana kamid ah Baladwayne – Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.

Shirka Wasiirada Howlaha Guud Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada.

Gabagabadii shirka waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay Muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay dhismaha Wadooyinku.

Sidoo kale Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu isla maanta saxiixay heshiis deeq ay dowladda talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada.

Madax ka socotay Talyaaniga iyo Bankiga Hormarinta Afrika.

Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada talyaaniga ee soomaaliya, madaxa ha’yadda horumarinta talyaaniga & bangiga horumarinta afrika.

Saraakiil ka socotay Safaarada Talyaaniga.

“Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tahay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhigo aan usoowada jeensano sidii wadanka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Wasiiradeena, Agaasimayaasheena & hawl wadeenada.

Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadeedo waxaa weeye in wadanka dib u dhisto” ayuu yiri Wasiir Hoosow gabagabdii Shirka.

Shirka maanta la soo gababan gabeeyay.