Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta ee Gobolka Jubada Hoose waxa ay sheegayaan in maanta uu Magaaladaasi ka furmay shir gaar ah oo u dhaxeeya Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Labada Gole ee Maamulka Jubbaland.

Xubno laga soo xulay Wasiirada ugu muhiimsan ee Maamulka Jubbaland Sida Arrimaha Gudaha, Amniga, Dastuurka iyo Wasiiro kale ayaa kulanka xaadiray, sidoo kale waxaa goob joog ka ah qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland oo leh qorshaha shirkaan ayaa Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo xubnaha la socda usoo bandhigaya waxyaabaha dhaliyay Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa looga wada hadlayaa in Maamulka Jubbaland laga dhaadhiciyo in ay u hogaansanaadaan Natiijada ay soo saaraan Guddiga Xalinta Khilaafka Aqalka sare u qaabilsan.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo Warbaahinta la hadlay 27-kii bishii tagtay ee November waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka caga jiideyso in la dhameeyo khilaafka iyada oo marka hore loo hogaansamayo fulinta waxyaabihii ay dalbadeen.

Socdaalka Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ee uu ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa ah in la guda galayo qaybta labaad ee Xalinta Khiaafka.

Waxaa kasii horeeyay Xubno ka koobnaa Min 8-Xubnood iyo Min 3-Xog heyn oo la shaqeyneyso loo diray Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Garoowe iyo Dhuusamareeb si ay u soo dhageysteen Cabashooyinka Madaxda Jubbaland, Puntland Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo kadib Shirka ugu furmay Magaalada Kismaayo si uu u faah-faahiyo Waxyaabaha laga wada hadlay iyo kuwa ay isla meel dhigeen Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.