Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay in ay natiijo la’aan iyo fashil ku soo dhammaadeen wada-hadallo iyaga iyo xisbiga Kulmiye u dhaxeeyay loogana hadlayey xaaladda maamulk Somaliland.

Xuseen Axmed Caydiid oo kamid ah saraakiisha xisbiga Waddani oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay waxa uu sheegay in ay fashilmeen wada-hadaladaasi iyaga iyo xisbiga Kulmiye maalmihii u danbeeyay Hargeysa uga socday.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ay shirkaan ugu wada hadlayeen arimaha doorashooyinka  ,waxaana uu cadeeyey in kulamadaasi ay natiijo la,aan ku soo dhamadeen.

Xuseen Axmed Caydiid waxa kale oo uu sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu si bareer  ah ugu kordhiyay golayashaa deegaanka taasna aysa xisbiga wadani uusan aqbali doonin.

Xisbiyada Somaliland ee Ucid, Kulmiye iyo Waddani oo hore wada-hadallo u yeeshay ayaa is faham daro ku soo dhamaaday, waxana ugu badan ee xisbiyadu ilaa haatan isku af garan la’yihiin ayaa ah guddida doorashada oo xisbiga Waddani hore kalsoonida ugala laabtay.