Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in koox hubeysan ay toogteen C/Qaadir Xaaji Waasac oo kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

C/Qaadir Xaaji Waasac, waxa uu kamid yahay Mas’uuliyiinta shirkada xawaaladda iyo Amal Banka oo xarun weyn ku leh  Suuqa Bakaaraha.

Kooxda weerartay C/qaadir ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen bistoolado, dhowr  Xabadood ayay madaxa uga dhufteen , waxaana kasoo gaaray rasaasta dhaawac sababay in cisbitaal la dhigo, Dableyda weerarka geysatay ayaa markii dnabe goobta isaga carartay.

Goob joogayaal kusugan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqaalaha Shirkada Amal bank ay dhaawaca  C/Qaadir Al-Waasac goobta kaqaadeen, lana geeyay goobaha Caafimaadka, si loola tacaalo xaaladiisa.

Maxamed C/qaadir Xaaji Waasac oo ah wiil u dhalay C/qaadir Xaaji Waasac ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in madaxa laba dhaawac ka gaartay aabihiis, dhaawac kalana uu gacanta ka gaaray.

Faahfaahin intaas dheer kama helin sababta keentay weerarka loo geystay Mas’uulkaas ka tirsan Amal Bank, balse 14-kii Bishan ayay ahayd markii xili habeen Qarax uu ka dhacay meel u dhow Albaabka hore ee Shirkada Amal Bank.