Ugu yaraan 30 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Dalka Afghanistan kaddib markii God  ay Dahab ka qadayeen ay ku soo dumeen.

Guddoomiya Degmada Kohistan ee Gobolka Badakhshan, Mohammad Rustam, ayaa  xaqiijiyay dhimashada 30 Qof iyo dhaawaca 7 qof  oo kale.

Afhayeen u hadlay Maamulka Gobolka Badakhshan ayaa sheegay in Godadka ay Macdanta ka qodayeen in ay dherer ahaan la ekaayeen 60 Mitir,waxaa uu Dahab qodayaasha ku sifeeyay xirfad xumayaal,maaddaama aysan ka fakarin godka intaas la eg in uu ku dumi karo.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ay koox gurmad ah u direen Gobolka Buuraleyda ah ee musiibado ka dhacday,hayeeshee dadka degaanka ay Maydadka ka soo saareen Godka .

Gobolka Hodonka ku ah Dahabka ee Dalka Afghanistan waxaa uu sohdin la wadaagaa dalalka Tajikistan, China iyo Pakistan.