Haweeynay damacsaneed in ay sawir iska qaaddo ayaa wareeray shabeel iyada oo ku sugan xarun lagu xanaaneeyo Xayawaanaadka oo ku taalla Magaalada Arizona ee dalka Mareykanka.

Arintaan oo dhacay maalintii sabtida aheyd ayaa shababtay in dhaawacyo soo gaaraan haweenaydaan 30 jirka ah oo Shabeelku gacmaha ka qaniinay.

Haweenayda ayaa doonaysay in ay sawir lagasho Shabeelka, waa uu ka soo booday meeshii uu ku xirnaa sidaas ayuuna ku qaniinay.

Goobjooge lagu magacaabo Adam Wilkerson ayaa u sheegay Wargeyska FOX NEWS in uu maqlay qof cabanaya ka dibna uu orday si uu u caawiyo.

“Shabeelka gabadhan dharkeeda ayuu ku dhagay waxa aan isku dayay in aan badbaayo aniga oo soo jiiday ilaa inta uu afka ka bixiyay”.

Madaxa xarunta Mickey Ollso oo dhaliil u jeediyay dadka ka gudba xeyn daabka loogu tala galay ayaa yiri”ma jirto hab loola dhaqmo dadka ka gudba meelaha aan loo ogolayn” .

Xarunta ayaa fariin ay ku baahisay baraha bulashada waxa ay qoyska gabadha ugu sheegeen in ay ka xun yihiin waxa dhacay ayna caafmaad u rajeynayaan.

ISHA BBC.