Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka saareen degaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaja hoose.

Saraakiisha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in degaano dhowr ah oo hoostadaga Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ay gacanta ku dhigeen.

Maxamed Cabdulle Caraaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howgalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen degaannada Kaxarroow, God-Doofaar, Xaawo Adduunyo iyo meelo kale oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka waday Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana habeen ka hor ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ay weerar ka fuliyeen degaanka Sabiib oo ku yaalla duleedka Afgooye.