Cabdi Maxamed Faarax waa seygii Hodan Axmed Maxamed oo dhowaan Magaalada Garoowe

Cabdi Maxamed Faarax waa seygii Hodan Axmed Maxamed oo dhowaan Magaalada Garoowe inta lagu kufsaday kadibna lagu dilay, waxa uu ka sheekeeyay sida ay u gaartay xogta dhacdadaan.

Waxa uu sheegay in Hodan ay ifka kaga tagtay wiil iyo Gabar, isagana uu ahaa Wade gaari iyo nin beeraley ah, falkaan xiligii uu dhacayay waxa uu sheegay in uu ka maqnaa Magaalada Garoowe.

Cabdi Maxamed Faarax Seyga Hodan Axmed Maxamed ayaa sheegay in markii lagu wargeliyay dhibka qoyskiisa gaaray uu la xiriiray qaar kamid ah dad ay ehel yihiin, sidaasina ugu xaqiijiyeen geerideeda.

Durba safar deg deg ah ayuu sheegay in uu dib ugu laabtay Magaalada Garoowe, kolkii uu tagay isbitaalka waxa uu intaa ku daray in muddo 3-cishe ah ay ku jiray qaboojiyaasha Meydadka la geliyo.

Markii ay damceen in ay aastaan ayuu tilmaamay Cabdi Maxamed in ay is hor istaageen Maamulka Isbitaalka oo ka dalbaday $300 oo ah Qaboojiyaha la geliyay Hodan, hadii aan la bixina la aaseen.

Dhanka maamulka Puntland waxa uu sheegay in aanu jirin ilaa iminka Mas’uul katirsan Madaxda Maamulka, kan Gobolka iyo Laamaha ammaanka oo ay iska hor fadhiisteen si ay ugu wada hadlaan dambiilayaashii dhibkaan geystay sida uu hadalka u dhigay.

Billawgii sanadkaan Haweenka kunool Deegaanada Puntland waxa ay wajaheen kiisas kufsi ah oo ka kala dhacay Magaalooyin kala duwan, Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe oo ah Gabadha kaliya ku jirta 66-da xildhibaan ee Baarlamanka Puntland waxa ay kufsiga kusii kordhaya Deegaanada Puntland ku tilmaamtay Mashruuc lagu magac dilayo ammaanka Maamulkaas.