Kooxda Sevilla ayaa lagu soo waramayaa inay ku raad joogto saxiixa dhaliyaha kooxda Chelsea iyo xulka Spain Alvaro Muratta.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Stamford Bridge bishaan haddii Blues ay hesho badalkiisa.

Wargeyska The Independent ayaa ku waramaya in Sevilla ay soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa Moratta.

Alvaro Muratta ayaa ku dhibtooday in uu ka mid noqdo safka kowaad ee Chelsea wuxuuna inta bandanna kasoo muqdaa kursiga keydka.