Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, halkaas oo todobaadyadii u danbeeyay ay ka dhaceen falal amniga lidi ku ah.

Saraakiisha qeybta 27-aad ee Xoogga dalka, ayaa sheegay iney gudaha u galeen guri ku yaala magaalada beledweyne, kaasoo la ogaaday in lagu diyaariyo walxaha qarxa iyo dilalka ka dhaca xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha amaanka, ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen walxo qara oo xiligaas diyaarintooda ay socotay.

“Ciidamada Xooga Dalka Qaybta 27aad ayaa Fashiliyay isku day lagu Diyaarinayay Walxaha Qarxa Waxeyna Ciidamadu Galeen Guri ku yaala Xaafada Howl_Wadaag ee Magaaladda Baladweyne Halkaa oo laga soo saarey Qoray AK47 ah iyo Qalab kale oo loo adeegsan lahaa Qaraxyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xoogga dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in gacan ka hadal ka dhashay howlgalka lagu toogtay nin hubeysan oo ku sugnaa guriga laga soo qabtay waxyaabaha qarxa, kaasoo diiday inuu isku dhiibo laamaha amaanka ee dalka.

“Ciidamada Ayaa Toogtey shaqsigii Gurigaasi Daganaa oo Lagu Qabtey isagoo Miino aasaya in mudo ahna isku dayay in uu iska caabin sameeyo, Shaqsigaas ayaa horay loogu Tuhmayay Dil loo Geestay maalmo kohor sargaal ka tirsanaa Qaybta 27aad sida uu Sheegay Taliyaha Guutada Dib Uxoreynta Dalka 5aad Ee qaybta 27aad” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Si kastaba, Xaafada Howlwadaag ee magaalada beledweyne, waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka dhacayay dilalka iyo qaraxyada ay geystaan Kooxaha hubeysan, iyadoo Sabtidii todobaadkan lagu dilay Sarkaal katirsanaa Xoogga dalka.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/