Koox hubeysan ayaa maanta Degmada Hodan ku dishay sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wararka waxa ay sheegayaan in Kooxda dilka geysatay ay wateen gaari nuuca raaxada ah oo ay ku baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in Sarkaalka uu kasoo baxay Saldhig Ciidamada Booliiska ay ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Cali Canshuur, waxa uuna kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Degmada Hodan ka howlgalla.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo goobta tagay ayaa ka qaaday meydka Cali Canshuur, waxa ay sameeyeen howlgal kooban.

Dilalka dadka ayaa ka sii socda Muqdisho iyada oo inta badan todobaadkii la soo dhaafay dilalka ka dhacay Muqdisho ay geysteen Ciidanka dowladda.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan Ciidamada Dowladda ee dadka ku dila Muqdisho,qaar ka mid ah Askartii dilalka geysatayna ay ku jiraan Gacanta Hay’adaha garsoorka.