Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lagu xiray Gaari kuwa raaxada ah.

Goobjoogayaal aya au xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari uu leeyahay Taliyaha Baarista Dambiyada ee C.I.D-da ee Soomaaliya.

Taliyaha oo lagu magacaabo Cumar Bile ayaa ka badbaaday weerarka loo adeegsaday qaraxa lagu xiray gaarigiisa.

Sidoo kale ma jiro khasaare kale oo ka dhashay qaraxa ka dhacay isgoyska shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.