Wararka ka imanaya Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdi Mahad, waxaana la dilay isaga oo ka soo baxayay Guri uu ka degganaa xaafadda Howlwadaag.

Cumar  Cabdi ayaa ka soo baxayay Gurigiisa isaga oo ku sii socda xerada ayaa waxaa dilay koox hubeysan oo ku sugnaa xaafadda howlwadaag.

Dilka oo saaka dhacay kaddib ciidamada amaanka ayaa tagay goobta,halkaas oo ay howlgalka ka sameeyeen kana qaadeen meydka sarkaalka la dilay.