Ugu yaraan saddex qof ayaa xalay lagu dilay degaanka Ceelasha Biyaha oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ee Koofurta Soomaaliya .

Dilkan ayaa dhacay markii saddexda qof ee la dilay gaari ay la socdeen lagu horjaray Gaari kale, rasaasna lagu furay halkaas oo ay ku wada geeriyoodeen.

Toogashada ayaa ka dhacday isgoyska Ceelasha halka loo yaqaanno,waxaana ilaa hadda aan la aqoonsan dadka la toogtay.

Ciidamada Booliska eek u sugan  Ceelasha Biyaha ayaa meydka saddexda qof saaka ka qaaday goobta,iyaga oo geeyay saldhigga halkaas oo lagu sugayo ehelkooda.

Degaanka Ceelasha ayaa waxaa toodbaadkii hore lagu dilay Saddex Askari markii ay dabley hubeysan Baskoolad ku weerareen gudaha Suuqa Ceelasha xilli ay Canshuur qaadayeen.