Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka.

Casho Sharafta oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha Qaranka, Garsoorayaasha Gobalka Banaadir iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ayay muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta Garsoorka Soomaaliya.

Masuuliyiintii ka qayb gashey casho sharafka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Garsoorayaash, kuna boorriyay shaqa wanaag iyo hufnaan,Wuxuu sheegay in hagaajinta dhaqaalaha Dalka, iyo yaraynta musuq-maasuqa, lagu heli karo  hir-gelinta Garsoor iyo caddaalad loo simanyahay oo Dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa madaxda Garsoorka Dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka Gasoorka Dalka.

Ra’iisul wasaare Kheyre,Gudoomiyaha Maxkamada Sare,iyo Xeer ilaaliyaha qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay soo Xiray shir sanadeedka Garsoorka dalka oo labo maalin ka socday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo Xafladii xiritaanka ee Shalay.