Madaxweynaha Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqay mashruuc lagu sameynayo Robotyo ka shaqeeya in caasimadda dalkaasi uu ka hooro roob gacan ku sameys ah.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Dalkaasi  Kim Eui-kyeom, ayaa sheegay in  dowladda Koofurta Kuuriya oo kaashaneysa dalka China la sameynayo roobkaasi.

Ujeedada laga leeyahay ayaa lagu sheegay in la dhimo cimillada kulul, Boor iyo carro sababtay in la dhisi waayo magaalada sidoo kalena ay socon waayaan gaadiidka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Badda Hurdiga ah laga soo qaadayo biyo macmal ah oo sida Roobka oo kale hawada ay ka soo daadin doonaan Robotyo u sameysan shaqadan si loo yareeyp kulaylka caasimadda Seoul.

Boorka  Magaalada Seoul saameynta ku yeeshay ayaa ka imanaya bariga dalka Koofurta Kuuriya qeybta uu Sohdinta kala waado galka China,waxaana uu dhibaato badan ku hayaa ilaa galbeedka dalkaas.

Shantii sano ee la soo dhaafay cimillada Magaalada Seoul ayaa sii kululaanayay,waxaana ay dowladda dhintay warshadaha qiica faraha badan hawada ku sii daaya.