Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay si rasmi ah ugu iibiso Chelsea xidigeda xiligan amaahda uga maqan ee Mateo Kovacic.

Kovacic ayaa haatan amaah ku jooga Chelsea, halkaasoo uu 17 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Spanish-ka AS ayaa ku waramaya in Madrid ay Chelsea ku riixi doonto inay si joogta ah ula wareegto laacinkooda da’da yare e Kovasic

Kovacic ayaa Madrid kaga soo biiray Inter Milan sannadkii 2015, waxaana uu u saftay 110 kulan tartamada oo dhan.