Naadiga Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay £ 300 milyan oo ginni ay ku qarash gareyso helida xidiga kooxda PSG iyo xulka Prazil Neymar.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Spain waxaana dhowr mar uu dalabyo kala duwan ka helay kooxda Real Madrid tan iyo bixitaankii C.ronaldo.

Mudo ku dhaw 9-sano ayuu ronaldo ku gugnaa kooxda Real Madrid I sagoona kula guuleystay mudadaasi waxwalba wuxuuna dhawaan ku biiray kooxda Juventus.

Madaxweynaha guud ee Barcelona Peres ayaa markan miiska PSG u saari doono aduun dhan 300-milyan si uu u helo adeega laacibka reer Prazil.

Neymar oo 27 jir ah ayaa PSG kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2017, waxaana uu dhaliyay 48 gool 53 kulan intii uu u saftay kooxdiisa.