Kooxda reer Spain ee Real Betis ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeyso saxiixa  weeraryahanka AS Monaco Radamel Falcao.

33 jirkaan ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda  Monaco, isagoo shabaqa soo taabtay 13 jeer 13 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Heshiiska Falcao ee uu kula joogo kooxdiisa Ligue 1 ayaa dhici doona xagaaga soo socda, waxaana suuragal ah in uu u dhaqaaqo horyaalka Spain.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 52 gool 68 kulan oo uu saftay horyaalka Spain waagiisii Atletico Madrid, halka tan iyo markaas uu dhaliyay 80 gool 132 kulan oo uu u saftay Monaco tartamada oo dhan.

Sidoo kale waqti aad u xun ayuu ku qaatay  Manchester United iyo Chelsea,kaliya shan gool ayuu ka dhaliyay Premier League-ga waayihiisii labada kooxood.