Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Xoghayaha joogtada ah iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo dhiirro gelinta Maalgashiga Caalamiga ah.

Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorsheynta waxaa loo magacaabay Cabdulkaadir Aadan Maxamed, halka Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorsheynta loo magacaabay  Asad Yuusuf.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore shaacisay in dhamaan booska Agaasimayaasha guud ee 27-ka Wasaaradood la codsan karo islamarkaana sheegtay in muwaaddiniinta ay u fasaxanyihiin codsashada booska Agaasimayaasha Wasaaradaha.

Hadalkaas kaddin dhowr Wasaaradood ayaa loo magacaabay Agaasimayaal guud,iyada oo dowladda aysan ka hadlin waxa laga yeelayo dadkii codsaday agaasimayaasha Wasaaradaha.