Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Kismaayo kula kulmay qaar kamid ah Ururada Dhallinyarada ee Jubbaland.

Kheyre ayaa Dhallinyaradaan kala hadlay doorka ay ku leeyihiin isbadalka iyo geedi socodka Soomaaliya.

Dhallinyarada ayaa soo bandhigay Caqabadda heysata iyo sida ay la tahay in looga gudbi karo, sidoo kale waxa ay Wasiirka Koowaad ee Dalka la wadaageen waxyaabaha ay ka tabanayaan.

Dhammaan mas’uuliyiinta Dowladda federaalka iyo Dowlad gobaleedyada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta, ayna mas’uuliyad ka saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Sugidda amniga ay ku xirantahay hagaajinta dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, isaga oo intaa raaciyay in shaqo la’aanta Dhallinyarada, musuqa, qabyaaladda, nin jeclaysiga ay qayb ka qaadanayaan amni darrada, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo hannaankii wax looga qaban lahaa.

Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu kulanka la yeeshay u sheegay in Dowladda ay dib-u-habayn ballaaran ku wado dhaqaalaha, ciidanka qaranka, siyaasadda iyo horumrinta arrimaha bulshada si loogu guulaysto himilada ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu soo hadal qaaday suurta-galnimada helista waxbarasho tayo leh oo dalka laga hirgeliyo oo ay dadaal gelineyso Dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay.