Hadii lamaanaha Ragga ah uu ku fakaraayo in uu sii weyneeyo timihiisa ama uu sii dheereeyo u sheeg in madixiisa oo xiiran ay sii kordhindoonto Wanaag iyo Haybad.

Marar badan waxaa loo arkaa raga Madaxa qurduban ee madaxa xiiran in ay yihiin kuwa guuleysta marka loo eego raga kale.

Daraasad la sameeyey 2012 ayaa lagu ogaaday arintaan sida ay qabto Majalada Business Insider in dumarku ka aamin sanyihiin raga dhakada xiiran rag adadag oo awood badan,taasna layaab malahan marka aad aragto jilayaasha Hollywoodka ugu waawayn sida Hunka-Bruce Willis,Dwayne and Quot,The Rock and Quot,Johnson,and Jason Statham-happen ey ugu wacan yihiin dhakada xiiran.

Daraasadaan oo uu sameeyay Cilme baare Albert E.Mannes oo isaguba ah ragga dhakada Xiiran,sidoo kalane Cilmi baare ka ah Jaamacada Pennslvinia ayaa lagu sheegay in daraasada lagu sameeyay 59 xubnood iyada oo la weydiinayo jawaab bixiyaasha sawiro badan oo isugu jira rag timo leh iyo kuwa basada xiiran.

Jawaab bixiyayaasha intooda badan waxa ay sheegeen in ay ka  aamin sanyihiin Raga basada xiiran oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa wax tar leh.

Waatan qeexitaan Suurta gal ah oo ku saabsan soo jiidashada Ragga bidaarta leh”Madhaayo in aad Madaxaaga xiirto ayaa kaa dhigeysa in aad noqoto nin guulaysta laakiin waxa ay ka bilaabataa in aad samayso  wax muhiin ah oo soo jiidasho leh” waxaa sidaas qaba ganacsadahaan Seth Godin.

Photo credit: Getty Images
Ganacsade Seth Godin.

Ma ahan oo kaliya in Raga basada xiiran ay soo jiidasho leeyihiin ee sidoo kale waa rag waaweyn una muuqda in ay yihiin rag masuuliyiin ah garaad iyo Caqlina lagu tuhmayo sida daraasad ay samaysay jaamacada Saarland ay Cadaysay.

Halmaado oo aysan halkaan ku dabaqmayn hadaysan Ragu aheyn kuwa bidaartoodu aysan dhamaystirneyn oo madaxoodu wada qurdubnayn ma’ahan soo jiidasho ee waxa ay u muuqdaann daciifnimo iyo soo jiidasho la’aan.