Saddex Nin ayaa 8dii December 2017,waxaa ay Maqaayadda Kilimandjaro  ku taalla Middlesbrough UK, ka cuneen Cunto macaan,markii ay cuniddii dhameysteen ayey is fiiriyeen,waxaana ay iska waayeen lacag Kaash ah ama Kaarka lacagta ee ATM-ka lacagta looga saarto.

Waxaa ay go’aan ku gaareen in ay cagaha wax ka dayaan oo ay cararaan,waana ay ku dhaqaaqeen,waliba waxaa ay horay ka heleen Tareen Maqaayadda horteeda marayay.

Milkiilaha Maqaayadda ,Ninka lagu magacaabo Apollo Apollinaire, ayaa shaqaalaha u sheegay in ay feejignaadaan hadda kaddib sidoo kalena saddexda Nin ugu yaraan midkood iman doono.

Maamulaha ayaa sheegay in uu ka quustay lacagtaas,waxaana uu rumeystay in mar dambe dad noocaas ah la aamino.

Laakiin maalmo kaddib darbiga Maqaayadda waxaa uu ka helay Bashqad ay ku qorantahay raalli gelin sidoo kalena ay ku jirto lacag dhan £40 oo Pound.

Warqadda waxaa ku qornaa: “waxaan ka helnay cuntada Maqaayadda  Kilimandjaros,waxaan iska weynay lacag kaash ah,sidoo kale karaka ATM ayaan weynay,waxaana ka daahsaneyn xaafaddeenna Tareen u socday ayaana la tagnay, raalli gelin ayaa ku qoran Warqaddan iyo lacag dhan £40”.

Milkiilaha Maqaayadda Mr Apollo,ayaa sheegay in Warqadda aysan ku qorneyn wax cinwaan ah oo dib loogala xiriiro saddexda wiil ee dhallinyarada ah.

https://static.independent.co.uk/s3fs-public/styles/article_small/public/thumbnails/image/2017/12/17/16/

Milkiilaha ayaa barta Facebook ee Maqaayaddiisa soo geliyay warqaddii iyo sawirrada,waxaana uu talo ahaan u raaciyay waligaa ha deg degin,Bani’adamnimada wali waa ay jirtaa.

Saddexda wiil maaddaama uusan ka heyn wax cinwaan ah waxaa uu Baraha Bulshada ku faafiyay sheekadan isaga oo saddexda u ballan qaaday cunto Bilaash ah oo ay Maqaayadda ka cunaan si uu ugu abaalgudo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ay muujiyeen .

Adiguba haddii aad aragto Raggaas waad la wadaagi kartaa si Maqaayaddii u tagaan una helaan Cunto Bilaash ah.

W/Turjumay Adam Ibrahim Farah (Showqi).