Madaxa qaramada midoobay ee arrimaha bani’aadanimada Michelle Bachelet ayaa boqortooyada Sacuudi Carabiya u soo jeedisay in ay xabsiyada ka siideyso haweenka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ee weli u xiran Sucuudiga.

Boqortooyada ayaa lagu eedeyay inay dhibaatooyin u geysatay haweenkan kaddib markii ay ku dhaliileen qaabka ay u maareyso arrimo muhiim ah.

Mr. Michelle ayaa hoosta ka xariiqday inay xabsiyada sacuudiga ku xiranyihiin ilaa iyo 10 haween ah oo u ololeeya xuquuqul insaanka.

Dacwad oogaha guud ee xukuumadda Riyadh ayaa dhanka kale qorsheynaya inuu dacwado ku soo oogo qaar ka mid ah haweenka xiran sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee SPA .

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda iska fogeysay eeymo loo soo jeediyay oo ah in ay maxaabiista jirdil ku sameysay waxayna warbixintaasi ku tilmaantay mid waxbo kama jiraan ah.