Dowlada Qatar ayaa sheegey in ay bilaabey mashruuc dib u dhis loogu sameynaayo dekada magaalada Hobyo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada gaadiidka,isgaarsiinta iyo dakadaha Dowlada Qata,Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dowlada Qatar ay bilaabayso mashruuca dhismaha dakada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegey kulan gaar ah oo ay wada qaateen Wasiirka koobaad ee xukumada Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga Qadar.

Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalada Soomaaliya oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegey in wasiirka dekadaha uu Ra’iisulwasaare Kheyre ka balan qaaday dhismaha dekada si ay ugu faa’iidaystaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullahi farmaajo Madaxwey dowlada faderaalka Soomaaliya ayaa dakada Hobyo dhagaxdhigey horaantii sanadkaan 2018 markaas oo uu safar ku maraayey qeybo kamida gobolada dalka.