Wararka ka imanaya degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax Xooggan uu maanta ka dhacay nawaaxiga ee xero Shiino oo u dhow Xeradii hore ee Shiirkole.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso waxaa ka dhashay dhimashada laba qof oo dhalinyara ah, kuwaasoo la sheegay iney ahaayeen arday ka timid goobtooda waxbarasho, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale oo mid aksari boolisa ahaa.

Ciidamada amaanka ayaa durba tagay halka qaraxa uu ka dhacay, waxeyna goobta ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah, walow aan la soo shegein cid falkaasi loo soo qabtay.

Dhinaca kalena, Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Koox Bistoolado ku hubeysan ay Caawa aaga Saldhigga booliska dil ugu geysatay nin dhalinyaro ahaa.

Laba dhalinyaro ah oo hubeysan ayaa la sheegay in qeybaha sare ee jirka ee ka toogteen marxuumka, kaasoo goobta ku geeriyooday, waxaana markii danbe meydkiisa qaatay ehelkiisa.

Ciidamada Saldhigga Booliska ee degmada Kaaraan ayaa tagay halka dilka uu ka dhacay, xili ay goobta isaga carareen dableydii weerarka geysatay.